Imaaraadka oo si kulul u beeniyey warar been abuur ah ay faafisay Isra

118

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in xukuumadda Abu Dhabi ay qayb ka ahayd duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday warshad sifeysa biyaha badda oo ku taalla gudaha dalka Iiraan.

REFILE: Europa league title a ‘dream come true’ for Spurs’ Son Heung-min
Qoraal rasmi ah oo Axaddii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu caddeeyay in dalku uu ku jiro “xaalad is-difaacid” si uu uga falceliyo weerarada kaga imanaya Iiraan, balse aysan marnaba doonayn in xukuumaddooda lagu soo jiido colaado cusub ama xiisad sii hurta.

Bayaankan ayaa daba socday kadib markii dhowr hay’adood oo ka tirsan warbaahinta Israa’iil, kuwaas oo soo xiganaya ilo qariyay magacyadooda, ay tabiyeen in Imaaraadku uu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday xarunta sifeynta biyaha ee Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Sabtidii sheegay in diyaaradaha Mareykanku ay duqeeyeen warshaddan oo ku taalla Jasiiradda Qeshm ee ku dhex-taalla Marinka Hormuz, arrintaas oo gabi ahaanba goysay biyihii nadiifka ahaa ee ay cabayeen dadka ku nool ilaa 30 tuulo. Mareykanka iyo Israa’iil labaduba way beeniyeen inay fuliyeen weerarkan.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa durba jawaab kulul ka bixiyay eedeymahan markii ay soo baxeen. Dr. Cali Rashiid Al Nuaimi, oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Imaaraadka, ahna guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, ayaa bartiisa X ku tilmaamay wararkan kuwa “been abuur ah.” Wuxuu intaas raaciyay: “Marka aan tallaabo qaadno, waxaan leenahay geesinimada aan ku shaacinno.”

Sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka ayaa u sheegay wargeyska The Jerusalem Post, oo ka mid ahaa warbaahintii ugu horreysay ee tabisay sheegashadan, in xukuumadda Abu Dhabi ay ku dhibtoonayso inay fahamto dabeecadda Israa’iil iyo nooca warbixinnada marin-habaabinta ah ee ay baahinayaan.

Sarkaalkan ayaa ku eedeeyay ilaha Israa’iil inay iyagu dusiyay wararkan, isagoo yiri: “Ma ahan wax habboon in shakhsi lagu sifeeyay ‘sarkaal sare oo Israa’iili ah’ uu ku hadlo magaceena ama uu faafiyo xan ku saabsan tallaabooyinka ay qaadayso dowlad kale oo madax-bannaan.”