
Qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ayaa maanta dibadbax cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga soo horjeedaan sare u kaca qiimaha shidaalka.
Dibadbxayaasha oo aad u careysan ayaa isugu soo baxay qaybo kamid ah waddada Maka Al-Mukarrama, waxayna xirteen isgoyska KM4 oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku nool gudaha caasimada.
Darawallada mootooyinka oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in dibadbaxooda uu yahay mid nabadeed, isla markaana ay ku dalbanayaan in wax laga qabto ganacsatada, gaar ahaan kuwa qaaliyeeyay shidaalka
“Maanta halkan waxa ka socda waa dibadbax nabadeed buuq ma jiro annaga korkeenna ayaa lagu ganacsanowaa marka in dowladda ay la jirto ganacsatada ama annaga inay nala jirto ayaa maanta kala cadaaneyso” ayuu yiri Saa Miyaa oo kamid ah darawallada Bajaajleyda ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu ku dooday in ay yihiin canshuur bixiyeyaal, haddana lagu dhibaateeyo gudaha dalkooda, isaga oo farriin u diray dowladda Soomaaliya.
“Annaga shacabkeeda ayaa nahay dowladdu waa inay na ixtiraamtaa canshuur bixiyeyaal ayaa nahay 15 ayaa nagala qaadaa, hal dollar iyo barna aan shidaal ku bixino ma noqoneyso.” ayuu mar kale yiri darawalka.
Waxaa kale oo uu ku daray “Dibadbaxaan illaa shidaalka laga raqiisinaayo wuu soconayaa, dowladdeenna waxaan ka codsaneynaa inay naga qabato ganacsatada”.
Si kastaba, Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa haatan wajaheysa saameyn lama filaan ah oo dhanka dhaqaalaha ah, oo kaga imaneysa dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Qiimaha shidaalka ayaa tan iyo dagaalka cirka isku shareeray qiyaastii 77%, iyada suuqyada Muqdisho laga soo warinayo isbeddel lixaad leh oo ku yimid kharashka ku baxa tamarta.
Maalmo uun ka hor, halkii liitar ee shidaalka baasiinka ah ayaa si xasiloon loogu kala iibsanayay $0.65 (Senti). Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo fiidnimadii Jimcaha, qiimaha kaalmaha shidaalka ee magaalada ayaa gaaray $1.5, arrintaas oo darawalada gaadiidka ku reebtay la-tacaalidda xaqiiqadan cusub ee adag.




















