Iran oo xaqiijisay geerida geerida Gholamreza Soleimani

17

 

Ciidanka ilaalada Kacaanka iran Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) ayaa xaqiijiyay geerida Gholamreza Soleimani, oo ahaa taliyaha maleeshiyada Basij.

War rasmi ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in dilkiisa uu ahaa “mid fulaynimo ah,” iyagoo ku xusay in dhacdadani muujinayso muhiimadda iyo doorka ay Basij ku leedahay howlaha ay wadaan.

Bayaan ka soo baxay IRGC ayaa sidoo kale tilmaamay in Basij ay door weyn ku leedahay waxa ay ku tilmaameen “dagaalka” ka dhanka ah Mareykanka iyo Israel, taas oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee gobolka. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan hadallada isdiidan ee dhinacyada ku lugta leh arrimaha Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Israel ayaa sheegtay in ay weerarro ku qaadeen in ka badan 10 goobood oo ku yaalla magaalada Tehran, kuwaas oo lala xiriiriyey xoogagga Basij. Lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo madax-bannaan oo xaqiijinaysa khasaaraha ka dhashay weerarradaas.

Basij waa maleeshiyo iskaa-wax-u-qabso ah oo hoos timaada taliska Ciidanka ilaalada Kacaanka Iran, waxaana lagu qiyaasaa in ay ka kooban yihiin ku dhawaad hal milyan oo xubnood. Inta badan waxaa loo adeegsadaa gudaha dalka, gaar ahaan xilliyada kacdoonnada, si ay u xakameeyaan mucaaradka, iyagoo kaalin muuqata ka qaata sugidda amniga gudaha ee dowladda Iiraan.

Iran ayaa weli ka hadlin hadal ka soo yeeray israel oo sheegayey iney dileen Cali larjani oo ahaa la taliyaha amniga Qaranka ee dalkaas, ma jiraan illaa hadda warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Israel.