DAAWO Laftagareen oo ku dhawaaqay inuu sharci daro yahay Dastuurka cusub

22

C/casiis Laftagareen ayaa goor dhaw markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka kala dhexeeya Dowlada wuxuuna ku dhawaaqay inuu sharci daro yahay wax ka badalka lagu sameeyay Dastuurkii 2012kii isagoona carabka ku adkeeyay inay iyagu aqoonsan yihiin Dastuurkii hore ee 2012-kii.
“Koonfur Galbeed waxay sharci darro u aragtaa wax ka bedel kasta oo aan loo marin habraacyada sharciga ah ee la yaqaano” ayuu yiri Laftagareen
Madaxweyne Xasan Xassan Sheikh ayuu ugu baaqay inuu si deg deg ah iskugu yeero golihii madasha wadatashiga Qaran si ayskugu yimaado meel dhexdhexaad ah oo amnina ah sida uu warka u dhigay Laftagareen
Dhanka kale Laftagareen wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimadii Xisbiga JSP iyo xilka ku xigeenka Gudoomiyaha Xisbiga oo ah Madaxweyne Xasan, tani waxay gabi ahaanba meesha ka saaray wada shaqeyntii iyo wada jirkii Laftagareen iyo Madaxweynaha.