Lafta-gareen oo is-casilay, kana dhoofay Baydhabo

49

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha maamulka, isagoo diyaarad ka raacay garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka tanaasulay dib-u-doorashadii uu maalmo ka hor ku qabsaday Baydhabo, kadib cadaadis militari iyo mid siyaasadeed oo xooggan oo kaga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ujeedo: Is-Casilaad: Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 March 2026 waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta-gareen oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo la filayo inuu ku sii nagaado, kadib markii uu gebi ahaanba lumiyay gacan ku haynta magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in bixitaanka Lafta-gareen uu yimid kadib wada-hadallo saacado qaatay oo u dhexeeyay isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo ugu dambeyn ku heshiiyay inuu si nabad ah ku wareejiyo maamulka.

Lafta-gareen ayaa maanta lagaga adkaaday magaalada Baydhabo, taas oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee uu ka arriminayay. Horey, ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa ula wareegay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee maamulka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay markii hore dooneysay in Lafta-gareen la keeno Muqdisho, balse ugu dambeyn waxaa la isku raacay inuu u duulo Nairobi, isla markaana ay guda gasho maamul u sameynta Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay magacowdo hoggaan ku-meel-gaar ah oo maamula Koonfur Galbeed, iyadoo magaalada Baydhabo ay haatan si buuxda u maamulayaan ciidamada dowladda.