
Aabbe ayaa todobo ka mid ah caruurtiisa iyo cunug 8aad ku dilay toogasho wadareed ka dhacday Shreveport oo ka tirsan gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka taasi oo ay booliisku ku tilmaameen “rabshad qoys”.
Carruurta ayey da’doodu u dhaxaysay sannad ilaa 14 jir sida ay sheegtay CBS oo bahwadaag la ah BBC-da.
Saraakiisha ayaa sheegay in toogashadu ay bilaabatay abbaaraha 1dii duhurnimo ee xilliga Afrikada bari ee Axadii. Tuhmanaha ayaa toogtay 10 qof ka hor inta uusan ku baxsan baabuur la xaday, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Waaxda Bilayska ee Shreveport oo la yiraahdo Chris Bordelon. Booliska ayaa eryaday oo dilay ninkaas.
Labo haween ah oo qaangaar ah oo ay ku jirto hooyada carruurta ayaa iyaguna ku jira xaalad halis ah.
Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Shamar Elkins, sida ay BBC-da u sheegtay agaasimaha warbaahinta ee duqa magaalada Shreveport Leigh Anne Evensky.
Eedeysanaha ayaa qof dumar ah ku toogtay waddada ka hor inta uusan tagin guri u dhow halkaas oo uu ku dilay siddeedda carruurta ah. “Mid ka mid ah qaraabo lama ahayn” sida ay booliisku sheegeen.
Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa u orday guri u dhawaa wuxuuna wacay maamulka, sida ay booliisku sheegeen. Waxa ay sheegeen in ninka hubeysan uu kaligiis falka geystay. Ilmo sagaalaad ayaa ka booday dusha sare wuxuuna ku jiraa isbitaal, ayuu yiri Bordelon.
Isagoo ka hadlayay arrinta ayaa goor sii horeysay Axadda Duqa Magaalada Shreveport Tom Arceneaux wuxuu yiri: “Tani waa xaalad naxdin leh, laga yaabee xaaladdii ugu xumayd ee aan waligeen ku soo marno Shreveport.
“Waxa aanu dhaawacnay qoysas, waxa aanu dhaawacnay askar bilays ah, shaqaale baadhayaal ah.
“Tani waxay saamaynaysaa dhammaan bulshada, markaa dhammaanteen waan la murugoonnay qoysaskan”.
Dhacdadan ayaa ah toogashadii ugu dhimashada badneyd ee ka dhacda Mareykanka tan iyo Janaayo 2024, markaasoo sideed dhibane lagu dilay Joliet, Illinois, sida alaga soo xigtay Gun Violence Archive (GVA), oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo dabagal ku sameeya rabshadaha hubka Mareykanka.




















