
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta mar uu hadal ka jeedinayay munaasabad xarig jar mashruuc ah wuxuu soo hadal qaaday xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Doolow ee Gobolka Geddo xili Dowlada lagu eedeeyo inay ka danbeyso.
Ra’iisul Wasaaraha ugu horeyn wuxuu beeniyay in Dowladda Federaalka ah uusan u xirnayn Garoonka diyaaradaha Degmada Dooloow isagoona markasi kadib amar ku bixiyay in la furo waliba si dedeg ah.
“si degdeg ah waa in loo furaa Garoonka diyaaradaha Doolow ,waana rajeynayaa in la furi doono” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza.



















