Iraan oo weerartay saldhigyada cirka Mareykanka ee Kuwait.

20

Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen saldhig cirka Mareykanka uu ku leeyahay Kuwait si ay uga jawaabaan weerar cirka ah oo Mareykanku ka geystay meel u dhow garoonka diyaaradaha Bandar Abbas ee koonfurta Iiraan.

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Tasnim ee Iiraan, IRGC waxay sheegtay in weerarka aargoosiga ah uu dhacay 0450 AM (0120GMT) Khamiistii, saacado ka dib markii uu weerar Mareykanku ku qaaday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada dekedda leh iyagoo adeegsanaya gantaallo cirka ah.