Xisbiga JSP oo Liibaan Shuiluq uxushay Musharaxooda Galmudug iyo Fiqi oo u hambalyeeyay +SAWIRRO

40

Xisbiga JSP ee Muxaafadka ayaa maanta gudoonsiiyay Liibaan Axmed Xasan kaarka Musharaxnimada uu ku matalayo xisbiga doorashada xilka ugu sareeya ee Xisbiga JSP kaasoo dhawaan lagu wado inuu ka dhaco deegaanada Galmudug.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa muran ka taagnaa cida musharax ah Xisbiga JSP waxaana la isku dhinac waday Mahad Salaad iyo Liibaan Shuluq balse waxaa tanaasulay Mahad Salaad kadib waxaa hadana lagu mashquulay khilaafkii Qoor Qoor iyo Dowlada Soomaaliya.

Munaasabada lagu shaaciyay ka hor waxaa kulan isugu yimid xubnaha gudiga fulinta ee Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka JSP ayaa u codeeyay Liibaan Axmed Xasan inuu noqdo musharaxooda xilka ugu sareeya Dowlad Goboleedka Galmudug.