Guddoomiyihii hore ee Awdiinle oo isku dhiibay Koonfur Galbeed.

21

 

Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay, oo ay la socdaan qiyaastii 150 maleeshiyaad ah, ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka hawlgala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay si cad uga soo goosteen maleeshiyaadkii uu marin-habaabiyay Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka geysanayay deegaannadaas.

Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaadkii la socday ayaa Ciidamada Qaranka ku wareejiyay hub kala duwan iyo gaadiid dagaal oo ay wateen, kaddib markii ay ka tanaasuleen dhaq-dhaqaaqyadii hubeysnaa, isla markaana iska diiday inay sii dhibaateeyaan dadkooda.

Sidoo kale, waxaa weli socda wadahadallo lagu dhiirrigelinayo maleeshiyaadka haray inay hubka dhigaan, iyadoo lagu wado in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay iyaguna isku soo dhiibaan Ciidamada Qaranka.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku ah kooxaha hubeysan ee qalqalgelinayay amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo, waxayna qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo xaqiijinta in aanay jirin cid awood u leh in ay ka hortimaaddo hanaanka dowladnimada.