Wiilka madaxweynaha Uganda oo sheegay xiliga uu ciidankiisa kala baxaayo Soomaaliya.

15

 

Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa shaaciyay in dalkiisa uu dhammaan ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya marka la gaaro 1-da Agoosto 2027, taas oo haddii ay dhaqan-gasho soo afjari doonta ku dhowaad labaatan sano oo Uganda ay qayb ka ahayd howlgalada amni ee Soomaaliya.

 

“Waxaan gebi ahaanba ka baxaynaa Soomaaliya 1-da Agoosto 2027. Ma jiri doonaan ciidamo UPDF ah oo Soomaaliya jooga wixii ka dambeeya maalintaas,” ayuu Kainerugaba ku yiri qoraal uu Jimcihii 28-ka Agoosto 2026 ku daabacay bartiisa X.

Si kastaba, weli ma cadda in waqtiga uu shaaciyay Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, uu yahay go’aan ay si rasmi ah u ansixisay dowladda Uganda ama uu yahay mowqif uu isaga ku dhawaaqay.

Uganda ayaa tan iyo 2007 ka mid ahayd dalalka ugu waaweyn ee ciidamada ku biiriya howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu muddo dheer ka qayb qaadanayeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kainerugaba ayaa horey u sheegay in Uganda ay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kadib ku dhowaad 19 sano oo ay dalka ka howlgaleen.

Bishii Febraayo, wuxuu sidoo kale ka digay in Uganda ay ciidamadeeda kala bixi karto Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta howlgalka Midowga Afrika.

Shirkii Kampala iyo mowqifkii Uganda

Ku dhawaaqista cusub ayaa imaneysa wax ka yar bil kadib markii Uganda ay martigelisay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen dalalka ciidamada ku biiriya Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Shirkaas oo 31-kii Luulyo 2026 ka dhacay Kampala, Uganda waxay ku baaqday in beesha caalamku sii waddo taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, iyadoo sidoo kale taageertay dadaallada lagu raadinayo maalgelin joogto ah oo lagu sii wado AUSSOM.

Hadalladaas iyo ku dhawaaqista hadda ee Kainerugaba ayaa sii kordhinaya su’aalaha ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM, xilli Soomaaliya la filayo inay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.

Mustaqbalka howlgalka AUSSOM, oo ay ku jiraan ku dhowaad 12,000 askari, ayaa wajahaya cadaadis weyn kadib go’aan Mareykanku ku joojinayo taageerada uu siinayo adeegyada saadka iyo howlgalka ee Qaramada Midoobay u fidiso ciidamada Midowga Afrika laga bilaabo bilowga 2027.

Mareykanka ayaa bishii Luulyo Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan maalgelin doonin howlgalka wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026.

AUSSOM ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada Qaramada Midoobay ee dhinacyada cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

Washington waxay sheegtay inaysan diidi doonin in la kordhiyo muddada howlgalka AUSSOM, balse aysan taageeri doonin sii socoshada maalgelinta Qaramada Midoobay ee adeegyada saadka iyo howlgalka.

Mareykanka ayaa sidoo kale dhaliilay sida ay Soomaaliya uga gaabisay inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda kadib sannado badan oo taageero caalami ah.

Go’aankaas ayaa walaac ka dhex abuuray Midowga Afrika iyo diblomaasiyiinta, kuwaas oo ka digaya in AUSSOM ay dhibaato weyn kala kulmi karto sii wadista howlaheeda haddii aan la helin ilo kale oo dhaqaale iyo taageero saadka ah.

Machadka Daraasaadka Amniga ee ISS ayaa sidoo kale ka digay in joojinta taageerada Mareykanka ay cawaaqib culus ku yeelan karto AUSSOM, maadaama qeyb weyn oo ka mid ah taageerada muhiimka ah ee howlgalka ay ku tiirsan tahay dhaqaalaha Washington.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadihii dambe waday qorshe ay ciidamada Soomaaliyeed si tartiib ah ugula wareegayaan mas’uuliyadda amniga, iyadoo la dhimayo kaalinta ciidamada shisheeye.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna dhowr jeer sheegay in ciidamada shisheeye aysan Soomaaliya sii joogi karin muddo aan dhammaad lahayn, isla markaana dalku ugu dambeyn ku qasban yahay inuu isagu ilaashado amnigiisa iyo madax-bannaanidiisa.

“Waa inaan ciidamada shisheeye ubax qurux badan guddoonsiinno oo dalkooda u dirno,” ayuu horey u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddii Uganda ay ku dhaqaaqdo bixitaanka uu shaaciyay Kainerugaba, tallaabadaas waxay noqon doontaa isbeddel weyn oo ku yimaada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, maadaama Kampala ay muddo ku dhow labaatan sano ka mid ahayd tiirarka ugu waaweyn ee howlgalada militari ee Midowga Afrika ka wado dalka.