
Xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan amniga magaalada Muqdisho, xilli haatan uu yahay mid deggan.
Xildhibaanka oo laga soo doorto Puntland ayaa is barbar dhigay amniga ka jira magaalada Muqdisho iyo kan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, isagoo sheegay in labada deegaan ay dhinaca amniga isku mid yihiin, sida uu hadalka u dhigay.
Saadaam ayaa dowladda ku eedeeyay inay dhibaato ku hayso shacabka, isla markaana ay dhacdo hantidooda, halka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay ay shacabka baadaan oo haddana ay laayaan.
“Amniga Jilib ka jira iyo kan Muqdisho ka jira waa isku mid. Al-Shabaab dadkee baadaan oo ay laayaan, dowladdana dadkee dhacdaa oo ay xoogtaa,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaam.
Wariyeyaasha oo xildhibaanka su’aallo adag ka weydiiyay hadalkiisa ayaa mar kale ku adkeystay mowqifkiisa, isaga oo ku dooday in aysan weli nabad buuxda ahayn magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
“Dhacdooyinkii Muqdisho ka dhici jiray waa yaraadeen laakiin amni darradii weli waa jirtaa, dadka masaakiinta ahna waa lagu baadaa,” ayuu mar kale ku jawaabay Xildhibaan Saadaam.
Hadalka Xildhibaan Saadaam ayaa kusoo aadaya xilli haatan amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan, isla markaana dowladda Soomaaliya ay shaqo muuqata ka qabatay sugidda amniga caasimadda, taas oo keentay in isbeddel wayn laga dareemo dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadr.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saartay xoojinta ciidamada ammaanka, baarista goobaha laga shakiyo iyo ka hortagga falalka amni-darro, taas oo qayb ka noqotay dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida caasimada.



















