Midowga Afrika oo ciidankooda u fasaxay inay ladagaalamaan kuwa Lafta-gareen.

9

 

Midowga Afrika ayaa AUSSOM u fasaxay inay ciidamada dowladda federaalka kala qeyb-gasho howlgallada militari ee Koonfur Galbeed, xilli madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen uu uga digay howlgalka inuu ku lug yeesho khilaafka siyaasadeed ee gobolka.

Qoraal gudaha ah oo Midowga Afrika soo saaray 21-kii August, ayaa AUSSOM u oggolaanaya inay dowladda kala qeyb-gasho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxo hubeysan oo lagu sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxdaas.

Arrintan ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ay ciidamo daacad u ah Laftagareen ku eedeeyeen inay Al-Shabaab kala qeyb-qaateen dagaallo ka dhacay Baydhaba, halka garabkiisu uu si adag u beeniyay eedeynta.

Qoraalka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah Midowga Afrika uga codsatay in AUSSOM ay farageliso xaaladda amni ee Koonfur Galbeed.

Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika ayaa qoraalka, oo summaddiisu tahay CPAPS/B3/779.26, u dirtay madaxa howlgalka AUSSOM.

Cinwaanka qoraalka ayaa si toos ah u xusaya gudbinta warqad ay dowladda federaalka ku codsatay “faragelinta AUSSOM ee xaaladda amni ee Koonfur Galbeed”.

Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda gobolka, isaga oo xusay warar sheegaya inuu jiro “isbahaysi sii kordhaya” oo u dhexeeya maleeshiyaad maxalli ah iyo Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiriirkaas la sheegay uu horseeday weerarro abaabulan oo lagu qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhaba.

Hase yeeshee, qoraalka Midowga Afrika ma magacaabayo maleeshiyaadka uu ku tilmaamay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, mana soo bandhigayo caddeymo muujinaya xiriirkaas.

Laftagareen oo u digay AU
Go’aanka Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay ku jiraan khilaaf siyaasadeed iyo mid hubeysan.

Garabka Laftagareen ayaa Khamiistii Midowga Afrika uga digay inuu ku lug yeesho iska horimaadka, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay dhaawici karto dhex-dhexaadnimada AUSSOM.

Waxa uu sidoo kale si adag u diiday eedeymaha ah in ciidamadiisu ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Laftagareen ayaa sheegay in dagaalyahannadaasi ay yihiin ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka digay in khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah loo beddelo qayb ka mid ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.