
Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay GMDQS, fulinayana qodobka 18aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka, xiganaya jadwalkii hore ee Qabashada Doorashooyinka isku-sidkan ee soobaxay 25ki July 2026 ayna ku mudeysnayd qabashada Doorashada inay noqoto 20 Agoosto 2026, iyo War-saxaafadeedkii ka dambeeyay ee dib u dhigista Doorashooyinka ee soo baxay 19kii Agoosto 2026, laguna iclaaminayay in muddo labada todobaad gudahooda uu GMDQS ku soo saari doono Jadwal cusub.
Hadaba, Guddigu wuxuu si rasmi ah u shaacinaya Jadwalka Dooraashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.
Guddigu wuxuu ku wargalinayaa Ururada Siyaasada, Shacabweynaha reer Hirshabeele iyo Daneeyeyaasha kale ee Doorashooyinka Hirshabeelle inay u diyaagaroobaan si ay u gutaan kaalintooda kaga aadan ka-qaybgalka Doorashooyinka.




















