
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta guddoonka Baarlamaanka u gudbiyey mooshin xilka qaadis ah oo ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay xildhibaannadu u jeediyeen eedeymo culus.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in guddoomiyaha Golaha Shacabka ay gaarsiiyeen mooshinka, isla markaana tabashada wasiirka ay muddo dheer soo taagnayd.
“Halkan waxaan kusoo gudbineynaa mooshin ay xildhibaannada Golaha Shacabka ka gudbiyeen wasiirka arrimaha gudaha xildhiban Cali Xoosh oo muddo dheer xildhibaannadu ay tabashadoodu qabeen, soona gudbinaayeen iyada oo maanta loo gudbiyay guddoomiyaha, sida uu qabo xeer-hoosaadka iyo dastuurka dalka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in tirada xildhibaannada saxiixay mooshinka ay gaareyso illaa 60 mudane, kuwaas oo si wadajir ah u taageeray mooshinka ka dhanka ah wasiirka, ujeeddaduna tahay in xilka laga qaado.
“Xildhibaannada mooshinka gudbiyay waxay gaarayaan 60 mudane, waxaana ujeedadiisu tahay xilka qaadista wasiirka oo lagu eedeeyay qodobo fara badan oo halkan aan lagu soo koobi karin,” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in guddoonka sare ee golaha uu haysto muddo 48 saacadood ah oo uu ku waajibayo inuu ka shaqeeyo mooshinka, iyadoo kadib la filayo in la horkeeno golaha, si looga doodo, loogana qaato go’aan rasmi ah oo ku aaddan eedaha loo jeedinayo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh).
Eedaha waa wayn ee wasiirka loo soo jeediyay waxaa kamid ah inuu gabay wajibaadkii loo igmaday, gaar ahaan fulinta hawlaha wasaaradda iyo inuu ka gaabiyay wax ka qabashada colaadaha sokeeye ee ka jira gudaha dalka.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in wasiirka uu si joogto ah uga horyimaado habka federaalka iyo awood-qaybsiga u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada dalka
Mooshinkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka, iyada oo weli is faham-waa xooggan uu u dhexeeyo Villa Somalia iyo kooxaha mucaaradka.




















