
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda dhulka ee ka taagan caasimada, wuxuuna ku dhawaaqay qorshe dib u dajin ah oo loo sameyay qoysaska la barakiciyay.
Muungaab ayaa kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo maamulka Gobolka Banaadir u qorsheeyey dib-u-dejinta shacabka ay saameeyeen qorshayaasha dowladda ee la xiriira dhulalka caasimadda.
Kormeerka waxaa Muungaab ku wehliyey guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka dhulka iyo agaasimayaal ka tirsan waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo faraysa in hawlaha qurxinta caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in 1,058 (kun iyo konton iyo sideed) boos oo dhul ah uu maamulku iibiyey dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag-la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku waayay xaafadaha isku-raranka ah (OBASIIBOOYINKA) ee caasimada.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha dib-u-dejinta la sii ballaarinayo, iyadoo dhulal cusub laga iibin doono degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaleey, si qoysas kale loo dejiyo.
Deegaanka oo dhawaan laga xarig-jaray Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, ayaa waxa uu sidoo kale leeyahay adeegyada aasaasiga u ah ee nolosha, sida; biyo iyo koronto, waxaana loo qorsheeyey suuq, masaajid iyo rug caafimaad.
Dhanka kale, wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu dhisayo 10,000 oo guri oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, sida uu maanta xaqiijiyay guddoomiye Muungaab.
Si kastaba ha ahaatee, qorshaha dhismaha guryahan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada, korna loogu qaadayo helitaanka guryo la awoodi karo, si wax looga qabto baahida sii kordheysa ee dhanka hoyga.





















