Dhaawaca Taliye Shub,iyo xaaskiisa oo Nairobi loo qaaday.

12
Taliye Shub
Taliye Shub

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaanno Taliye Shub, iyo xaaskiisa ayaa loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarkii xalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Jeneraal Shub ayaa lagu soo warramay inuu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarka, iyadoo xaaskiisana ay sidoo kale dhaawacantay. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dad kale oo guriga ku sugnaa ay waxyeello kasoo gaartay dhacdada.

Waxaa weli jira warar is-khilaafsan oo ku saabsan qaabka weerarka loo fuliyey iyo cidda ka dambaysay.

Jubaland iyo mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Turkiga ay duqeyn ku qaadeen guriga uu Jeneraal Shub ka deganaa Doolow, iyagoo ku dooday in weerarka lala xiriirinayo khilaafka siyaasadeed iyo militari ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdada. Dowladda ayaa tilmaantay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amnigu heleen ay muujinayaan in qaraxyadu ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya waxa dhacay, ujeeddada laga lahaa iyo cidda ka dambaysay.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub” ayaa kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya ee si dhow loola xiriirinayo xoogagga hubaysan ee ka soo horjeeda maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.

Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xoogagga uu hoggaaminayo ama taageerayo Jeneraal Shub ay muddooyinkii dambe wadeen howlgallo militari oo ka dhan ah maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Ujeeddada xoogaggaasi ayaa lagu sheegay inay tahay inay meesha ka saaraan maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, iyadoo dagaallo iyo iska horimaadyo ay ka dhaceen Baydhabo iyo deegaannada ku dhow.

Kadib dhaawacyadii ka soo gaaray dhacdada Doolow, Jeneraal Shub iyo xaaskiisa ayaa loo qaaday Nairobi, halkaas oo lagu daweynayo dhaawacyada soo gaaray.

Dhacdadan ayaa sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed iyo tan militari ee ka taagan Koonfur Galbeed iyo gobolka Gedo.

Ilaa hadda, cidda fulisay weerarka iyo nooca hubka loo adeegsaday si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo labada dhinac ay soo bandhigeen warar si weyn u kala duwan.

Natiijada baaritaanka ay Dowladda Federaalka sheegtay inay sameynayso ayaa la filayaa inay caddeyso waxa dhab ahaan ka dhacay guriga Jeneraal Shub iyo cidda ka dambaysay weerarka.