Xuutiyiinta oo qabsaday Jaziirad aad ugu dhaw Jabuuti iyo Eriteria.

18

 

Dagaal yahanada reer yemen ee Xuutiyiinta loo yaqaan ayaa ku dhawaaqay inay qabsadeen Jaziirada Mayun oo ku taal marin-biyoodka Baab Al-mandab halkaasoo aad istaraatiiji ugu ah dhanka dagaalka kala dhexeeya Sucuudiga iyo reer Galbeedka.
Jasiiradda Mayun waxaa la sheegay inay Dalalka Jabuuti iyo Eriteria u jirto wax ka yar 20KM taasoo waji cusub u yeeli karta dagaalka reer Galbeedka iyo Xuutiyiinta oo garab ka helaya Iiran madaama markaana la isla soo aaday Geeska Afrika.
Dagaalamayaasha Xuutiyiinta waxay doonayaan in Marinkan isku xira Badda-cas & Gacanka-cadmeed dhawaan ku gorgortamaan sida Iran ugu Gorgortanto Marinka Hormuz ,waxay arintaani culeys ku sii noqon kartaa ganacsiga Carabta iyo dhaq dhaqaaqyada Milateri ee Mareykanka.
Dhanka kale Guud ahaan dalalka Geeska Afrika oo ay Somalia ugu horeyso ayaa ganacsigoodu wuxuu ku xiran yahay Bada Baabul-Mandab oo gacanta u gashay Xuutiyiinta.