Carruurtii Max’ed Siyaad Barre oo dacwo loohaysto.

16

 

Wargeyska New York Post ayaa warbixin uu soo saaray 11-kii Sebtembar 2026 ku sheegay in Ayaanle Maxamed Siyaad iyo Deeqa Maxamed Siyaad, oo ka mid ah carruurta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, ay muddo dheer ku noolaayeen magaalada Columbus ee gobolka Ohio, halkaas oo ay nolol caadi ah ka wataan.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay Ayaanle Maxamed Siyaad oo uu wargeysku ku tilmaamay inuu ahaa qof si weyn ugu dhowaa aabbihii xilligii dowladdii militariga, isagoo soo xiganaya taariikh-yahan iyo cilmi-baare sheegay in Ayaanle uu door muuqda ku lahaa maamulka dowladdii Siyaad Barre sannadihii ugu dambeeyay ee taliskii.

New York Post ayaa sidoo kale sheegtay in Ayaanle, oo hadda 61 jir ah sida warbixintu xustay, uu ku nool yahay guri ku yaalla xaafad deggan oo ka tirsan Columbus, isaga iyo qoyskiisa. Wargeysku wuxuu sheegay in isku dayo lagula xiriirayo Ayaanle si uu uga jawaabo arrimaha lagu soo bandhigay warbixinta aysan suuragelin.


Dhanka kale, warbixintu waxay sheegtay in Deeqa Maxamed Siyaad, oo 69 jir ah, ay sidoo kale ku nooshahay Ohio, isla markaana ay hore ula shaqeynaysay ninkeeda, Cabdikariim Cali Cumar, oo ahaa diblomaasi Soomaaliyeed. Labadooda ayaa lagu xiriiriyey shirkad adeegyada caafimaadka guriga bixisa oo lagu magacaabo Vanguard Home Health Care.

Sida uu qoray New York Post, shirkaddaasi waxay heshay in ka badan 1.8 milyan oo dollar oo lacag Medicare ah, waxaana wargeysku sheegay in dukumentiyada uu arkay ay muujinayaan lacagahaas. Hase yeeshee, warbixintu waxay sidoo kale xustay in shirkaddu u muuqatay mid sharci ahaan u shaqaynaysay oo ay gudbisay dukumentiyadii looga baahnaa, iyadoo ugu dambayntiina la xiray kaddib geeridii Cabdikariim Cali Cumar sannadkii 2021.


Joogitaanka carruurta Siyaad Barre ee Columbus ayaa, sida wargeysku sheegay, dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan dhaxalka siyaasadeed iyo taariikheed ee dowladdii Siyaad Barre. Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Mareykanka oo sheegay inay dhibbanayaal ama qoysaskoodu dhibbanayaal u ahaayeen dowladdii militariga ayaa sheegay in ay dareemayaan xanuun iyo dhaawac nafsi ah marka ay arkaan xubno ka tirsan qoyska madaxweynihii hore oo si xor ah ugu nool Mareykanka.

Mid ka mid ah dadka uu New York Post wareystay ayaa sheegay in xubno qoyskiisa ka tirsan lagu dilay xilligii dagaalladii iyo tacaddiyadii ka dhacay waqooyiga Soomaaliya, isagoo ku baaqay in hay’adaha Mareykanka ay baaritaan ku sameeyaan wixii door ah ee Ayaanle ama xubno kale oo qoyska ka tirsan ay ku lahaayeen dhacdooyinkii xilligaas.

Warbixinta ayaa sidoo kale soo xigatay Mohamed Haji Ingiriis, oo ah taariikh-yahan iyo cilmi-baare, kaas oo ku dooday in Ayaanle uu ahaa mid ka mid ah dadka ugu awoodda badnaa madaxtooyadii Siyaad Barre, gaar ahaan xilliyadii uu madaxweynihii hore awooddiisu yaraatay. Ingiriis ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo mas’uuliyadda dadka lagu eedeeyo tacaddiyadii xilliga dowladdii militariga.

Si kastaba ha ahaatee, New York Post lafteedu ma aysan soo bandhigin natiijo baaritaan rasmi ah oo ay sameeyeen hay’adaha dowladda Mareykanka oo Ayaanle ama Deeqa ku eedeynaysa dembiyo gaar ah. Sidoo kale, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ayaanle Maxamed Siyaad, Deeqa Maxamed Siyaad ama hay’adaha Mareykanka oo xaqiijinaya eedaha iyo dalabyada baaritaan ee lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta New York Post waxay dib u soo celisay su’aal muddo dheer taagnayd oo ku saabsan sida Mareykanku ula macaamilayo xubnaha qoysaska saraakiishii iyo masuuliyiintii dowladdii Siyaad Barre, gaar ahaan iyadoo qaar ka mid ah dhibbanayaashii xilligaas ay maanta ku nool yihiin isla magaalooyinka ay xubnaha qoysaskaasi deggan yihiin.

https://nypost.com/2026/09/11/world-news/right-hand-man-son-of-genocidal-somali-dictator-who-killed-200000-found-living-in-ohio-linked-to-1-8m-medicare-firm/