Maxaa ajira in Khilaafka udhaxeeya Uganda iyo Turkey uu salka ku haya Soomaaliya.

46

Soomaaliya ayaa la sheegay inay xudun u noqotay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Uganda iyo Turkiga, kadib markii Kampala ay hakisay dhammaan iskaashigii militari iyo difaac ee Ankara, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in muranku si weyn ugu saabsan yahay mustaqbalka ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya.

Warbaahinta Middle East Eye ayaa Isniintii werisay in muranka labada dal uusan ku koobneyn oo keliya dalabka Uganda ee ku saabsan in Turkiga uu u gacan geliyo Fred Lumbuye, oo ah nin mucaarad ku ah dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni, balse uu salka ku hayo khilaaf ballaaran oo ku saabsan joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah oo warbaahintu soo xigatay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in Uganda ay soo afjarto joogitaankeeda militari, iyadoo awoodda ciidamada Soomaaliya ay sii kordheyso, gaar ahaan kuwa uu tababaray ama taageeray Turkiga.

“Arrintan oo dhan waxay la xiriirtaa joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya,” ayuu mid ka mid ah ilahaasi u sheegay Middle East Eye.

Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda midkoodna si rasmi ah uma xaqiijin in Muqdisho ay Kampala ka dalbatay inay ciidamadeeda kala baxdo dalka.

Uganda ayaa Soomaaliya ku leh kumannaan askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo ciidamo kale ay dalka ku joogaan heshiis laba geesood ah oo ay la gashay dowladda Soomaaliya.

Middle East Eye ayaa sidoo kale sheegtay in Uganda ay sanadkii waayi karto malaayiin dollar haddii ciidamadeeda laga saaro Soomaaliya. Ilo ay warbaahintu soo xigatay ayaa qiyaasay khasaaraha dhaqaale inuu u dhaxeyn karo $60 milyan iyo $72 milyan sanadkii. Hase yeeshee, tirooyinkaas si rasmi ah uma aysan xaqiijin dowladaha Uganda iyo Soomaaliya ama Midowga Afrika.

Uganda waxay kamid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, waxaana muddo ku dhow labaatan sano ciidamadeedu door weyn ku lahaayeen howlgalka Midowga Afrika iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN