Isbitaaka Muqdisho oo dacwad lagu soo oogay.

14

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir wuxuu bulshada la wadaagayaa faahfaahinta dhacdo ka dhacday Isbitaalka Muqdisho ee degmada Yaaqshiid, taas oo la xiriirta hooyo lagu magacaabo Zamzam Maxamuud Cilmi, oo qalliin ku dhashay wiil 10 maalmood ka hor, iyadoo ay wajahaysay daryeel-xumo, isla markaana isbitaalku uu si sharci-darro ah u haystay.

Zamzam ayaa 19/09/2026 tagtay isbitaalka, halkaas oo qalliin loogu sameeyay, iyadoo 20/09/2026 ay dhashay wiil, Qoyskeeda oo danyar ah ayaa awoodi waayay inay bixiyaan kharashaadka caafimaad iyo jiifka, taas oo sababtay in maamulka isbitaalku dacwad ka gudbiyo aabbaha ilmaha, lana xiro.

28/09/2026, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar horkeenis ah, iyadoo la faray in hooyada iyo ilmaheeda laga soo badbaadiyo xaaladda ay ku jireen, lana raaco habraaca sharciga.

Ciidanka Booliiska ayaa amarka gaarsiiyay maamulka isbitaalka, iyagoo faray in hooyada iyo ilmaha la fasaxo, Hase yeeshee, maamulka isbitaalka ayaa diiday, kuna adkaystay in aan la sii deyn doonin illaa laga bixiyo lacagta lagu leeyahay, iyadoo kharashka jiifkooduna uu weli socdo, Hooyadu waxay wajahaysay xaalad caafimaad oo la xiriirta daryeel-xumo, Xeer-ilaalintuna ay amartay in Booliisku si degdeg ah u soo badbaadiyaan hooyada, aabbahana uu weli u xiran yahay maamulka isbitaalka.

Markii ciidanku u tageen fulinta amarka, waxaa dhacay is-mariwaa iyo rabshad dhex martay ciidanka iyo maamulka isbitaalka, iyadoo ay timid amar-diiddo iyo adeegsiga hub, taas oo keentay in ciidamadu hubkooda gudaha isbitaalka la galaan Si ay u badbaadiyaan hooyada oo ku jirtay xaalad daryeel-xumo ah, isla markaana go’doon ku noqotay Gudaha isbitaalka oo aan wax cunto ah cunin dhowr maalmood.

Taliska Booliisku wuxuu caddeynayaa in aan la oggolayn in goob dadweyne hub lala galo, Dhacdadan waxaa hadda ku socda baaris, waxaana sharciga la waafajin doonaa, maxkamaddana la horgayn doonaa maamulka isbitaalka oo ku kacay fal aad u fool xun, iyo cid kasta oo lagu helo fal sharci-darro ah ama khalad la xiriira dhacdadan.