R/Wasaare Xamza oo tagay degmo ka tirsan Galmudug.

14

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Balanballe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Ra’iisul wasaare Xamza ayaa ah inuu ka qayb-galo gogol nabadeed oo taalla Balanballe, taas oo lagu soo afjarayo colaad beeleed muddo ka taagneyd degmadaasi.

Ra’iisul wasaaraha waxaa kaga sii horreeyay Balanballe mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo Taliye Mahad Salaad oo shalay booqday ciidamo ka tirsan NISA oo uu tababar uga socdo halkaasi, isagoo inta uu kormeerka ku jiray la kulmay ciidamada tababarka qaadanaya, wuxuuna kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan ballanta ay u qaadeen difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Dhanka kale waxaa kulanka dib u heshiisiinta ah la filayaa inay ka qayb-galaan bulshada deegaanka oo ay ugu horreeyaan waxgaradka beelaha, si ay goobjoog ahaadaan heshiiska lagu gaarayo halkaasi.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa go’aanno adag uga soo saartay colaadihii ka taagnaa gobollada dhexe, kadib markii uu amarro la siiyay ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo ka hortegoay dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee deegaanada Galmudug.

 

Xaaladda guud ayaa hadda ah mid deggan, waxaana haatan qorshaha uu yahay in la guda galo dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu soo afjarayo colaadaha ka taagan gobollada dhexe.