Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo xalay Muqdisho ku dhex-maray taliyeyaasha hay’adaha amniga ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka, kaas oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.
Kulanka oo ka dhacay guriga Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa dowladda uga qayb-galay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cusmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed; iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute).
Dhanka Golaha Mustaqbalka, waxaa kulanka ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre; Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullaahi Carab iyo Maxamed Aadan Jimcaale oo loo yaqaano (Koofi).
kulanka ayaa laga gaaray isfaham iyo natiijo hordhac ah oo ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac oo ku aadanaa amniga dalka.
Labada dhinac ayaa inta uu socday shirka isku afgartay afar qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah;-
1.Ka fogaanshaha siyaasadaynta amniga: In labada dhinac ay ka fogaadaan siyaasadaynta arrimaha amniga qaranka.
2.La-dagaallanka Argagixisada: In si wadajir ah looga hortago kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, meelna looga soo wada jeesto.
3.Doorasho heshiis lagu yahay: In dalka laga qabto doorasho ku dhisan heshiis iyo is-afgarad siyaasadeed.
4.Dhisidda kalsoonida: In la xoojiyo kalsoonida iyo wada shaqaynta labada dhinac.
Si kastaba ha’ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo weli uu muran ka taagan yahay arrimaha doorashada oo ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka dalka.




















