
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa aga helayaa fal dil oo maanta ka dhacday xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda, kadib markii laba nin oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen askari dharcad ah oo ka tirsanaa ciidamada NISA oo ka howlgalayay xaafaddaasi.
Labada nin oo watay mooto Fekon ayaa isku dayay inay ka baxsadaan goobta, hayeeshee waxaa si deg-deg ah falka dilka ah uga fal-celiyay dadka deegaanka oo gacanta ku dhigay eedeysanayaasha.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo laba nin oo indhaha iyo gacmaha ka xiran oo ay shacabka hayaan, waxaana ugu dambeyn lagu wareejiyay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa si weyn loogu boggaadiyay shacabka ku dhaqan Xamar Jadiid, maadaama ay la shaqeeyeen ciidamada amniga, ayna soo qabteen dambiileyaasha, kahor inta aynan baxsan.
Sidoo kale arrintan ayaa xoojineysa kalsoonida shacabka iyo hay’adaha amniga oo haatan iska kaashanaya ka hortagga waxyaabaha liddiga ku ah amniga caasimada.





















