DAAWO:Soomaaliya oo safiirka Imaaraadka ku amarta inuu dalka ka baxo.

34

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta go’aamiyay in dalka laga saaro safiirka dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta Axmed Juma Al-Rumaithi, iyadoo sidoo kale wadatashi loogu yeertay safiirka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi.

Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa loo qabtay inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, sida shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim.

Go’aankan ayaa ka mid hay qaraar ay si buuxda u ansixiyeen Golaha Wasiirrada oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee labada dal, kadib markii Dowladda Federaalka ay Imaaraadka Carabta ku eedeysay inuu faro-gelin toos ah ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu kala qaybinayo dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa horay u baabi’iyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay la gashay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah. Go’aankaas ayaa lagu sababeeyay falal lagu tilmaamay kuwo wax u dhimaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka.