Goormee ayay dib u bilaabaysaa duulimaadyada Somali Airlines?.

49

 

Somali Airlines oo ah shirkaddii diyaaradaha qaranka Soomaaliya ayaa la filayaa inay dib u bilowdo duulimaadyadeeda 10-ka December 2026, kadib in ka badan 35 sano oo ay shaqada ka maqneyd.

Warkan waxaa xaqiijiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, kaas oo sheegay in diyaar-garowga dib loogu howlgelinayo shirkadda uu socdo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 10-ka December la qaban doono munaasabad rasmi ah oo lagu daahfurayo dib u soo laabashada Somali Airlines, taas oo noqonaysa tallaabo cusub oo lagu soo celinayo shirkaddii diyaaradaha qaranka.

“Somali Airlines waxay dib u soo laabanaysaa December-ka soo socda, waxaana la arki doonaa daahfurkeeda rasmiga ah,” ayuu yiri wasiirka.

Dib u soo celinta shirkadda ayaa kusoo beegmaysa kadib sannado badan oo ay jireen ballanqaadyo iyo qorshayaal kala duwan oo ku saabsanaa dib u soo nooleynta Somali Airlines, kuwaas oo aan ilaa hadda horseedin in shirkaddu dib u bilowdo duulimaadyada.

Somali Airlines ayaa haatan diyaarad nooca Dash 8-400 ah ka heshay shirkadda Daallo Airlines, taas oo qeyb ka noqon karta diyaar-garowga dib loogu howlgelinayo shirkadda qaranka.

Shirkadda diyaaradaha Soomaaliya ayaa howlaheedii joojisay sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo tan iyo xilligaas ay jireen dadaallo kala duwan oo lagu doonayay in dib loo soo nooleeyo shirkaddii diyaaradaha qaranka.