Aadan Madoobe Oo Mar kale Loodoortay Golaha Shacabka

1112

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop 189, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Aadan Madoobe ayaa waxaa doorashada kula tartamay Musharax Xasan Cali Maxamed, waxaana Madoobe uu helay Codad gaaraya 63 Cod, halka Xasan Cali uu isna helay 11 Cod, sida uu shaaciyay Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Guddiga hirgelinta doorashada ayaa sheegay inay codeeyeen 74 Ergo, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ay mar kale kamid noqonaya Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay kursiga HOP189.

Doorasho goorsii horeeysay oo Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cali Xasan oo ah Wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed, wuxuuna ku guuleystay kursigii uu ku fadhiyey Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.