Ahlu-Suna oo lagala wareegay goobihii ay kasooduuleen +SAWIRRO

745

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo saaka duleedka magaalada Dhuusa-mareeb ku dhexmaray ciidamadda Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda iyo ciidanka kooxda Ahlu-Suna, iyadoo weerarka saaka ay qaadeen ciidanka is garabsanayay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kooxda Ahlu-Suna laga qabsaday deegaanka Sangooye, halkaasoo ay fariisimo iyo difaacyo ay ka qoteen ciidankii shalay laga saaray magaalada Dhuusa-Mareeb, iyadoo dagaalka saaka uu ahaa mid aad u culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo qaar kamid ah dadkii ku safrayay halka dirirta ay ka dhacday.

Saraakiil u hadashay dhanka Galmudug waxey sheegeen iney gacanta ku dhigeen gaari Cabdi Bile ah iyo saanad ciidan oo ay isaga carareen kooxda Ahlu-Suna, iyagoo ku hanjabay iney si toos ah u aadi doonaan dhinaca deegaanka Bohol oo ah halka ugu badan ee laga soo qaado weerarada ka yimaada dhanka kooxdan bishii October ee sanadkii 2021-kii dagaalka culus looga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen.