Akhriso Jadwalka cusub ee doorashooyinka soomaaliya

1588

Golaha Wadatashiga ee Doorashada Soomaaliya oo labadii maalin ee ugu dambeysay kulan uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay.

Golaha Wadatashiga ee doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in guddiyada doorashada loo furi doono tababarka isla markaasna ay dooran doonaan hoggaanka 30 June illaa 05 July 2021.

Golaha Wadatashiga ayaa jadwalka cusub ee doorashooyinka ku sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare la qaban doono 25-ka July 2021.

Sidoo kale, jadwalka ayaa lagu sheegay in soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka doorashada xildhibaanada aqalka hoose la qaban doono 15 July illaa 10-ka August 2021, iyadoo doorshada xildhibaanada bBaarlamaanka la qaban doono 10 August – 10 September 2021.

Dhaarinta Xildhibaanada labada aqal iyo doorashada laba guddoon ayaa lagu sheegay jadwalka cusub in la qaban dooo 20-ka September 2021.

Ugu dambeyntii Golaha Wadatashi ee Doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021.