Duqa Garowe oo ka hor yimid Mashruuca Madaxweyne Deni ee Yogo day+SAWIRRO

2357

Maanta Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa lagu qabtay munaasabad loogu magacax daray maalinta caalamiga ee Yogo Day,kaas oo inta badan laga xuso Gudaha dalka Hindiya,waxaana munaasabada ka qyb galay safii iinaakiya u fadhiya dalka Kenya.

Hayeeshee waxaa kasoo horjeestay Munaasabadaas markii ugu horaysay oo ay ka qayb galeen Madaxwaynaha Puntland iyo Safiirka dalka India u fadhiya Soomaaliya duqa ddegmda Garoowe Axmed Siciid Muuse.

Qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook ayuu ku sheegay in dhaqankaan uu yahay mid lag soo minguuriyay wadamo shihseeye,isla markaana Soomaalida ay leedahay diin iyo dhaqan u gaar ah oo lagu yaqaano.

Soomaalidu waxay leedahay dhaqan, ciyaaro iyo caadooyin suuban oo ciyaalka iyo cirooluhuba ku madadaalan karaan. Balse dhaqamadan cibaadooyinka duqoobey ee soogalootiga ah salka ku haya ma aha wax ku haboon in lasoo minguuriyo. Sidaa awgeed, shacab iyo dawladba waxaan ugu baaqayaa inaan diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan ilaashanno ayuu yiri Duqa degmada Garoowe.

Waa markii ugu horeysay oo munaabada noocaan oo kale ah lagu qabto Magalada Garoowe,waxaana aad manta uga fal celiyay oo looga hadal hayaa Baraha Bulshada,iyada oo siyaabo kala dwuan looga hadlayo.