(Akhriso) Jadwalka doorashooyinka 2020/21 oo lasoo saaray

1550

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira oo maalmihii lasoo dhaafay shir uga socday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu dambeyn isku raacay jadwalka doorashada iyo habraaca loo marayo doorashada 2020-2021.

Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray ayaa lagu cadeeyay xiliyada ay dhacayaan doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka, doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxda ku shirsan Muqdisho uu ka soo baxo war-saxaafadeed rasmi ah, balse xogo hor dhac ah oo aan ka helnay ayaa tilmaamaya hanaanka loo asteeyay kuraasta golaha shacabka iyo goobaha lagu soo dooranayo.

Aan ku horeyno Koonfur Galbeed deegaanadeeda waxaa lagu soo dooran doonaa kuraasta ugu badan ee xildhibaanada golaha shacabka, waxaana loo asteeyay in 69-kursi lagu soo doorto, Baydhaba ayaa loo asteeyay 44-kursi, halka caasimadda rasmiga ah ee Baraawe loo asteeyay in lagu soo doorto 25-kursi.

Gobolka Banaadir waxaa loo asteeyay in lagu soo doorto 51-kursi oo kala metelaya beelaha Banaadiriga iyo beelaha gobollada waqooyi ee Somaliland, beelaha Banaadiriga ayaa leh 5-kursi. Halka 46-kursi ay leeyihiin gobollada waqooyi ee Somaliland.

Jubbaland ayaa lagu soo dooranayaa 43-kursi. Caasimadda Kismaayo ayaa loo asteeyay 27-kursi, halka 16-ka kalena loo asteeyay in lagu soo doorto magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Puntland, 39-kursi ayaa lagu soo dooranayaa, waxaana caasimadda Garowe loo asteeyey in lagu soo doorto 24-kursi oo kala ah, kuraasta gobollada Nugaal, Sool iyo Mudug. Halka 15-ka kursi ee soo hartana lagu soo dooranayo magaalada Boosaaso, kuwaas oo kala ah kuraasta gobollada Bari iyo Sanaag.

Hir-Shabelle waxaa lagu soo dooranayaa 37-kursi, caasimadda Jowhar ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 15-kursi. Halka magaalada Beledweyne loo asteeyay in lagu soo doorto 22-kursi.

Galmudug ayaa lagu soo dooran doonaa 36-kursi. Caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 24-kursi, halka 12-ka kursi ee soo hartana loo asteeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Hoos ka aqriso halka xildhibaanada beelaha laga soo dooranayo