Akhriso Jadwalka Kulamada Horyaalka Serie A-da

1717

Horyaalka Serie A-da ayaa si Rasmi ah loo bilaabi doonaa 20 bisha June ee haatan lagu jiro iyada oo lagu bilaabi doono kulanka Torino Vs Parma kaas oo la ciyaari doono 8:30 Habeenimo.

Wali waxa jira tartan adag oo ka jira horyaalka iyada oo aan wali lagu kala bixin horyaalka, kaalmaha champions League iyo waliba kooxaha ka hadhaya xilli ciyaareedka.

Todobaadka 20 June sidoo kale waxa la ciyaari doonaa kulamada Hellas Verona vs Cagliari, Atalanta vs Sassuolo & Inter vs Sampdoria kuwaas oo ahaa 4 kulan oo baaqi ka ahaa 25-ka kulan ee hadhsan.

Wixii intaas ka dambeeya waxa maalin walba la ciyaari doonaa kulan iyad aoo kaliya xiddigaha hal maalin la siin doono Naasho.

Horyaalka ayaa la doonayaa in la dhamaystiro 23 bisha July iyada oo kulanka adag ee go’aamin doona horyaalka ee dhexmari doona Juventus iyo Lazio la ciyaari doono 20 bisha July maalin Isniin ah 10:45 Habeenimo.