Liverpool Oo Wakhtiga Dhimashada Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaartay Aston Villa+SAWIRRO

1756

Kooxda Liverpool ayaa sidii caadada ahayd guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Liverpool guud ahaan maamulaysay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay guul weyn ka gaadhaan kooxda Aston Villa.

Laakiin Reds ayaa la kulantay iska caabin xoogan oo aanay horay u arkin xilli ay Aston Villa qaadayeen weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay Liverpool goolal kaga dhaliyaan.

Kooxd Aston Villa ayaa daqiiqadii 21-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Hassan kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Liverpool ayaa isla markiiba bar-baraha keentay laakiin Waxa laga diiday goolkaas oo uu dhaliyay Roberto Firmino kaas oo Affside ku jiray.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ciyaar fiicnayd laakiin lagu hogaaminayo natiijada ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Liverpool wax walba u samaysay sidii ay ugu soo laaban lahayd ciyaarta laakiin Aston Villa ayaa u dhabar adaygtay wiilasha Klopp.

Xilli in badan oo taageerayaasha Liverpool ah niyad jabeen oo kaliya niyad ku hayaan in ay helaan bar-baraha kaliya ayuu Ady Robertson dhaliyay goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 87-aad ayuu Robertson taageerayaa Reds kaga farxiyay goolka bar-baraha isaga oo dhaliyay goolkisii ugu horeeyay ee premier League.

Sidii Liverpool looga bartay xilli ciyaareedkan daqiiqadii 94-aad ayay Liverpool dhalisay goolka guusha iyaga oo uu u dhaliyay Sadio Mane kaas oo ciyaarta dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay Liverpool oo guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Aston Villa siina haystay 6-dii dhibcood ee ay ku haysay hogaanka horyaalka.