Akhriso Kala Saraynta Horyaalka Premier League Kadib Todobaadkii 14-aad

1750

Horyaalka premier league ayaa la ciyaaray todobaadkii 14-aad iyada oo la soo afjaray xalay kulanka ay chelsea guul ka gaadhay kooxda West Ham.

Kooxda Liverpool ayaa wali sii ah hogaamiyayaasha horyaalka premier League kadib guushii 7/0 ahayd ee ay ka gaadhay kooxda Crystal Palace.

Kooxda Leicester City ayaa kaalinta 2-aad kala baxday kooxda Tottenham kadib markii ay guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Jose Mouirnho.

Man United ayaa dhankeeda kaalinta 3-aad soo gadhay kala saraynta horyaalka premier League kadib markii ay guusha weyn ka gaadheen Leeds United.

Man United ayaa goolal kalinta 3-aad kaga horysa kooxda Everton oo la dhibco ah Red Devils iyaga oo wada leh min 26 dhibcood.

Kadib markii ay hogaanka haysay todobaadyadii ugu dambeeyay Tottenham ayaa laba kulan gudohood u dhaadhacday kalainta 5-aad ee kala sarayn.

Arinta la yaab ka leh ayaa ah in ay Kooxda Arsenal ku jirto kaalinta 15-aad 4 dhibcood oo kaliyana u jirto boosaska looga hadho horyaalka premier League.