Liverpool Oo Garaacday Burnley Booska 4-aadna Soogaartay +SAWIRRO

1637

Liverpool ayaa guul ka gaartay Burnley oo ay marti u ahaayeen waxa ayna uga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah

Sheekada qeybta hore : Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Burnley hal gool oo nadiif ah waxa ayna ciyaarta aheyd mid ay hareysay qasaarinta fursado

Labada koox , ciyaar deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen xilli wiilasha Klopp heerka kubad haysashada ay ku sareeyeen heer dhan %65

Liverpool waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen in si ka bad badis ah afka hore ugu soo dhaqaaqayeen taasi oo keeneysay in la halis giliyo xilli goolhayahadoodana ahaa mid foojigan

Burnley kubad daafac ah ayay ciyaareysay kulammaa kubadana helaan waa ay gaarsiineynay aagga goosha Liverpool xilli Liverpool kubadooda ay ka imaaneysay dhanka weerarka .

Soo laabashadii , Liverpool cadaadis xooggan ayay sameeyeen waa ayna mudnaayeen maadaama kubadda ay gaarsiinayeen gudaha fog ee goosha kooxda garoonka illaa ay ku keeneen gool labaad daqiiqadii 52-aad waxaana saxiixay Nathaniel Phillips , kooxda Klopp iyaga ayaana ku sareeyay kubad haysashada heer dhan %65

Burnley isku day waliba ay sameeyaan waxaa is hor taagayay goolhayaha Liverpool oo bad-baadino cajiib ah sameeynayay , waxa ayna ciyaarta aheyd mid si u deggan ka dib goolkii labaad ee kooxda Klopp.

Liverpool , dhamaadkii waxa ay helayeen fursado balse deg degsiimo leh ayaa dileysay balse guud ahaan waa mudnaayeen goolal dheeraad ah illaa gool sedexaad uu saxiixay Alex Oxlade-Chamberlain daqiiqadii 89-aad , waxa ayna guushaas Liverpool keentay booska 4-aad oo ay ku qabteen dhanka goolasha xilli Leicester City mid 66 dhibic ay wada leeyihiin .