Akhriso LIISKA Xiddigaha ugu Mushaarka badan Premier League

2057

Chelsea ayaa xalay Saqdii dhexe si Rasmi ah ugu dhawaaqday in heshiis inta ka harsan kal ciyaareedkan kula soo wareegtay weeraryahanka Juventus ee Gonzalo Higuain.

Laacibka reer Argentina ayaa loo xiray Lambarka Nuqsiga ah ee Blues No.9., Blues ayaana ugu dambeyn filaneysa inay heshay laacib ku aflixi doona Lambarka ka inkaaran.

Haddaba Gonzalo Higuain ayaa durba ka mid noqday xiddigaha ugu mushaarka badan Premier League oo waxaa ka horreeya oo qura 5-laacib.

Dhaliyihii hore ee Real Madrid ayaa usbuuciiba jeebka ku shuban doona adduun dhan 270,000 oo bound wuxuuna noday laacibka labaad ee ugu mushaarka badan Chelsea oo waxaa ka horreeya oo qura Kante.