Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Kooxda West Ham +SAWIRRO

1537

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda West Ham kulan adag oo ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood ku bilowdeen si adag oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan ciyaarta wakhti hore.

Kooxda West Ham ayaa Liverpool kaga naxsatay gool wakhti hore ah taas oo khal-khalisay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 10-aad ayay West Ham dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pablo Fornals kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Liverpool ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro dhaafi la’ daafac West Ham oo diyaar u ahaa in ay ilaashadaan goolka.

Laakiin kadib dadaal badan iyo isku dayo Badan oo ay Liverpool samaysay waxa ay heleen goolka ay raadinyeen ee bar-baraha ahaa.

Daqiiqadii 42 ayay Liverpool heshay rikoodhe lagu galay xiddiga Mohamed Salah kaas oo gool u badalay rikoodhadii kooxdiisa loo dhigay ciyaartana ka dhigay 1/1.

Liverpool ayaa isku dayday in ay sii dheeraysato natiijada ka hor inta ayna dhicin qaybta dambe laakiin waxa u suurtagali wayday in ay gool dhaliso.

Waxa sidaas ku dhamaattay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool baxday iyaga oo keenay gool looga horumaray wakhti hore oo qaybta hore ee ciyaarta ah.

Qaybtii dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay goolal ay ciyaarta ku qabtaan laakiin West Ham ayaa si fiican u difaacday goolkooda.

Daqiiqadii 78-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Diogo Jota laakiin goolka ayaa la diiday sabab la xidhiidha khalad uu Sadio Mane galay.

Laakiin Daqiiqadii 85-aad ayay Liverpool dhalisay gool sax ah iyaga oo uu u dhaliyay mar kale xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool sidaas ku gaadhay guul soo laabasho leh oo muhiim ah hogaankana si ku meel gaadh ah ugu qabatay horyaalka.