Chelsea Oo Guul Ay U Qalmeen Ka Soo Gaartay Burnley +SAWIRRO

1482

Kooxda Chelsea ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen kooxda Burnely oo ay marti u ahaayeen , waxa ayna kooxda Lampard soo bandhigeen ciyaar aad u qurxoon iyaga oo ku soo badiyay sedex gool oo nadiif ah .

Chelsea waxa ay soo bandhigeen ciyaar dhan waliba ka dhameystiran halka daafac ahaan ahaayeen kulankaan kuwo aad u foojigan

Goolka koowaad waxa ay heleen daqiiqadii 27-aad waxaana si cajiib ah u dhaliyay saxiixooda cusub ee Ziyech midkaas ayaana lagu nastay.

Qadka dhexe Chelsea waxa uu ahaa mid isku xeran waxa ayna ku guuleysteen in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan agga goosha kooxda Burnley kuwaasi oo ku tiirsnaa kubadaha rogaal celiska ah

Guud ahaan kubadda haysashada Chelsea ayaa ku sareysay labada qeyb waxa ayna labada gool kale dhasheen daqiiqadihii 63-aad iyo 70-aad waxaana kala saxiixay Zouma iyo Timo Warner.

Kooxda martida loo ahaa waxaa ku adkaa in kubadda ay cagtooda ku daahdo mana jrrin diirad ay saarayeen ciyaarta .

Weerar ahaan Chelsea waa ay wacnaayeen waxaana jiray is fahan u dhaxeeyay ciyaartooda kooxda.