Biden oo difaacay Soomaalida Minnesota +SAWIRRO

1679

Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee u taagan doorashada Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqday gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin soo galootiga waxaana uu halkaasi ka jeediyay khudbad 22 daqiiqo oo ay ka mid ahaayeen hadallo lagu dhaleeceynayo nacaybka Trump uu qabo dadka oo galootiga ah.

Waxa sheegay iney khalad tahay in Donald Trump uu Soomaalida ku tilmaamo Argagixiso.

“Waa sababta Trump uu ugu ceebeysan yahay inuu Soomaali qaxooti ah oo nolol wanaagsan soo raadsaday ku tilmaamo dad argagixiso ah.” Waxaan u baahanahay madaxweyne dadka isu keeno ee uma baahnin mid na sii kala qeybiyo.”

Hadalkiisa waxaa soo dhexgalay oo ku buuqay qaar ka mid ah taageerayaasha Trump balse waxa uu Biden yiri: “Dadkan qeylinaya ma ahan dad deggan oo xushmad leh, waa sida Trump oo kale.”

Madaxweyne Trump ayaa Minnesota 4 sannadood ka hor ku guul dareeystay 44,000 oo cod waana mid ka mid ah gobollada uu sannadkan doonaya inuu ka helo taageerayaal u janjeera dhanka xisbiga Republican-ka.

Musharaxa Joe Biden iyo Madaxweyne Trump ayaa wada ololohoodii ugu dambeeyay iyagoo is dhaafsanaya hadallo adagag oo aanu waxba la iskugu harin.

Biden ayay suurogal tahay iney maalmo uun uga harsan tahay inuu noqdo madaxweynaha 46-xaad ee Mareykanka sida la saadaalinayo, iyadoo doorashada Maraykanka ay dhaceyso 3-da bisha Novembar oo talaadada ku beegan.