Chelsea & Valencia Oo Ku Kala Baxay Bar-Baro Xilli Blues Laga Dhaliyay Gool La Yaab Leh

1705

Kooxda chelsea ayaa bar-baro la gashay kooxda Valencia kulan xiiso lahaa oo ay sidoo kale Tegnoolajiyada VAR mar kale muran badan dhalisay kana tirsanaa champions League.

Kulanka ayaa ku bilowday si taxadar leh oo ay labada kooxoodba iska ilaalinayaan goolal wakhti hore ah iyo waliba in laga dhaliyo goolal badan.

Labada Kooxood ayaa dhanka kale soo bandhigay qaab ciyaareed weerar ah oo ay ku doonayeen goolal ay ciyaarta hogaanka ugu dhiibaan.

Kadib markii ay muddo kala baqdeen labada kooxood Valencia ayaa daqiiqadii 40-aad ku hor martay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Carlos Soler kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Laakiin Chelsea ayaan wakhti dheer ku qaadan in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 41-aadba dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mateo Kovacic kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Kooxda chelsea ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii hore ee ciyaarta dhaawac ku wayday xiddiga Tammy Abraham kaas oo ciyaarta looga sariirta dhaawaca.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin dhanka goolasha soona bandhigeen ciyaar aad isagu dhaw.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Chelsea ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka hogaanka ay ciyaarta ugu qabanayeen.

50-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic laakiin waxa markii hore diiday Garsoonraha sabab la xidhiidha Offside laakiin VAR ayaa dib u eegtay oo xaqiijisay in uu yahay gool sax ah.

Daqiqadii 65-aad ayay Valencia heshay rikoodhe laakiin waxa si cajiib ah u badbaadiyay Goolhaye Kepa kaas oo kooxdiisa ka hor istaagay in laga dhaliyo goolka bar-baraha.

Laakiin daqiiqadii 82-aad ayay Valencia dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu xiddiga Daniel Wass u dhaliyay gool aanay cidna rumaysan markii hore oo ay xitaa xiddigaha chelsea oo uu Kepa ku jiray moodayeen in ay baxday isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada Kooxood ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah kulan ay labada kooxood iska khasaariyeen fursado fiican.