Xulka Brazil oo dhulka ku jiiday xulka Koonfur Kuuriya+SAWIRRO

226

Brazil oo aan la celin karin ayaa caawa 4-1 ku xasuuqayxulka South Korea, waxayna u gudubtay wareega 8 dhamaadka

Brazilian-ka ayaa garoonka caanka ah ee 974 waxay keeneen ciyaar ay ugu awood sheegatay Kuuriyaanka, soona afjaray rajadii Asia ee tartanka.

Kaddib markii Croatia ay rigoorayaal uga badisay Croatia, Australiana ay Argentina guuldarro ka soo gaartay, waxay la macno tahay in dhammaan seddexda xul ee Aasiya ay ku hareen wareegga 16ka.

Xulka shanta jeer ku guuleystay koobka ee Brazil ayaa afar gool ku durduiriyey Xulka Kuuriya ka hor inta aan la aadin qeybta nasashada taasoo soo afjartay rajadii South Kuuriya oo markii dambe awoodi waayey iney iska soo gudaan gool wax ka badan.