Siro laga helay sarkaal Al-Shabaab ah oo Villa Somalia lagu qabtay

255

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya baaritaanada ilaa hadda lagu sameeyey nin la aaminsan yahay in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab, gaar ahaana xubin sare ah.

7 kamid ah Ilaalada Madaxweyne Xassan Sheekh, gaar ahaana qeybta Miino Baarista ayaa la xiray, inkasta oo 5 lasii daayay, 2 kamid ah ayaa lagu reebay Xabsiga oo lagu hayo, sababo laxariira in ay wada shaqeyn lalahaayeen qofka eedeysan.

Xariirada isgaarsiinta iyo Xisaabaadkiisa lacagta ee ninkan ayaa muujinaya kala wareejinta Boqolaal Kun oo Dollar, sida ay xoguhu cadeynayaan, iyadoo ciidankii koowaad ee ka shakiyey uu u sheegay warar is dhaafsan.

Sidaas oo kale qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska R/wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa baaris hoosaad lagu bilaabay, qaarkood ayaa la tuhunsan yahay in ay wada shaqeyn kala dhaxeysay ninkan, isagoo markii koowaadba qirtay in ay Madaxda Hay’addaha Amniga is garanayaan.

Aqoonsiyada ninkan lagu qabtay ayay kuqoran yihiin magacyo kale duwan oo kala ah Max’ed, Cabdulqaadir iyo Axmed, kuwaas oo wata Abtirsiinyo kala duwan.