Akhriso Macalimiinta usharaxan Man United

2106

Guddoomiye ku xigeenka kooxda Manchester United ee Ed Woodward ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aamiyay liiska shan murashax oo uu ka xulan doono tababaraha sida rasmiga ah ula wareegaya maamulka kooxdiisa.

Ole Gunnard Solskjaeri oo ah shaqsiga sida kumeel gaadhka ah loogu dhiibay xilka tababarenimo kaddib caydhintii Jose Mourinho ayaa qaab cajiib ah ku bilawday kulamadiisii ugu horreeyay isaga oo si weyn uga masuul ah in Red Devils ay dhinaca kale u rogeen bandhigoodii.

Marka laga yimaado qaabka uu ku bilawday haddana waxa ay u muuqataa in Solskjaer uu kaliya kooxda joogi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka, United ayaa dookh u haysata inay si rasmi ah ula wareegto haddiiba ay doonto waxaana ay £7.2 siin doonaan kooxdiisii Molde.

Haddaba, Wargeyska The Sun ayaa haatan banaanka keenay liiska shanta tababare ee uu Woodward kooxdiisa midkood u doonayo waxaana lagu dhex arkay magac layaab iyo lama filaan noqday oo aan la rajaynayan markii hore.

Aan ku horraynee, Mauricio Pochettino oo ah dookhooda koowaad ayaa ah shaqsiga ugu horreeya ee liiska kusoo baxay waxaana soo raaca Zinedine Zidane, Laurent Blanc iyo Marco Rose iyo waliba Solskjaer oo qudhiisa loo tix gelin doono tartame.

Magaca layaabka leh ayaa ah Rose, Tababaraha Red Bull Salzburg ayaa wacdaro ku dhigay kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore isaga oo ku hoggaamiyay horyaalka Austria.

Rose ayaa sidoo kale kooxdiisa gaadh siiyay afar dhammaadka tartanka Europe League oo ay ugu dambayn ka reebtay kooxda Marseille, Waxa xusid mudan in Salzburg ay xilli ciyaareedkana sii wataan bandhiga fiican.

Rose ayaa kooxdiisa u suuro geliyay inay haatana booska koowaad kaga jiraan horyaalkooda iyaga oo aan wax guuldarro ah arag isla markaana ay gaadheen wareega 32-ka ee Europe League kaddib markii ay dhammaan soo guuleysteen lixda kulan ee heerka Group-yada.