Arsenal oo 4-1 kudhufatay Fulham +SAWIRRO

2003

Arsenal ayaa guul weyn garoonkeeda kaga gaadhat kooxda Fulham oo marti u ahayd, Gunners ayaa guushan ku gaadhay 4-1 ay goolasha ka kala heleen Xhaka oo bandhiga goolasha furay, Lacazette, Ramsey iyo Aubameyang.

Guushan ayaa ah mid kooxda tababare Unai Emery kusoo celinaysa wadada guulaha kaddib habeen musiibo ah oo ay kusoo qaateen garoonka kooxda Liverpool ee Anfield.

Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulankan:

Arsenal XI (3-4-2-1): Bernd Leno; Sokratis Papastathopoulos, Laurent Koscielny, Shkodran Mustafi; Ainsley Maitland-Niles, Matteo Guendouzi, Granit Xhaka, Sead Kolasinac; Alex Iwobi, Pierre-Emerick Aubameyang; Alexandre Lacazette.

Fulham XI (3-4-2-1): Sergio Rico; Dennis Odoi, Maxime Le Marchand, Tim Ream; Cyrus Christie, Tom Cairney, Ibrahima Cisse, Joe Bryan; Andre Schurrle, Ryan Sessegnon; Alexsandar Mitrovic.

Falanqaynta Guud Ee Kulankan:

Arsenal ayaa qaab xoogan ku bilaabatay kulanka, Aubameyang ayaa kaddib laba daqiiqo markii uu kulanku socdya fursad ka helay Fulham laakiin isku daygii ayaa goolka dul maray.

Fulham ayaa markeeda heshay fursad weyn oo ay goolka ugaga hor mari kartay Arsenal, Sessegnon ayaa jabiyay daafaca Gunners laakiin waxa uu si fudud ku dayacay fursada uu helay isaga oo aan xataa beegsan goolka Bern Leno.

GOOAL: Kooxda martida loo ahaa ayaa heshay goolka furitaanka, Alex Iwobi ayaa soo dhigay kubad wanaagsan Granit Xhaka oo boos fiican u taagnaa ayaa dajiyay kaddibna darbad xoogan daba mariyay goolhaye Rico.

Mitrovic ayaa kubad sarre ka helay xiddigaha kooxdiisa Fulham isaga oo awooday inuu darbad madax ah kaga hor maro daafaca Gunners laakiin isku daygiisa ayaa ahaa mid aan xooganayn waxaana si sahlan ku xakameeyay goolhaye Leno.

Lacazette ayaa daqiiqadii 42-aad ku dhawaaday inuu jabiyo ismari waaga ciyaarta, Weeraryahanka ree France ayaa kubadda dhaafsaday daafaca Fulham laakiin Rico oo ayaa markale kubad adag badbaadiyay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay hoggaan 1-0 oo ay leedahay Arsenal, Qaybtan ayaa ahayd mid ay labada dhinacba kala heleen fursado door ah isla markaana ay Gunners ahayd kooxda markasta halista badan.

GOOAL: Gunners ayaa helay hoggaan raaxo leh isla markaana qaab xoogan ku bilawday qaybta dambe, Kolasinac, Iwobi iyo Aubameyang ayaa si wadajir ah usoo dhisay kubadda daafaca bidix ee Gunners ayaana ugu dambayn kubad hadiyad u muuqata u dhigay Lacazette oo isna si fudud ku dhaliyay.

Arsenal ayaa isha ku haysay goolka saddexaad ee kulanka, Granit Xhaka ayaa kubad sarre u furay Lacazette oo isna isku dayay inuu la yimaado goolkiisa labaad ee ciyaarta balse goolhayaha Fulham ayaa ka beeniyay.

Intaa kaddib tababaraha Fulham ee Claudio Ranieri ayaa sameeyay isbdelo dhawr ah isaga oo kulanka soo geliyay Jean Michael Serri iyo Aboubakar Kamara.

GOOAL: Bedelka tababaraha ree Talyaani ayaa midho dhal noqday, Arsenal ayaa kubadda lumisay waxaana si deg deg ah daafaca Gunners uga dhex furay kubadda Sessegnon isagoo Kamara oo bedel ku yimid uu si sahlan ku gaadhay goolka Leno.

GOOAL: Arsenal ayaa markale soo ceshatay hoggaanka labada gool ah waxaana ciyaarta 3-1 ka dhigay Aaron Ramsey oo gool gantaal ah ku celiyay shabaqa Fulham kaddib markii isku daygii hore ee Aubameyng uu birta goolka kasoo noqday.

Aubameyang ayaa isku dayay inuu markale dhibaateeyo kooxda martida u ahayd daqiiqadii 82-aad laakiin waxa si sahlan kubadda ku qabsaday Rico.

GOOAL: Aubameyng!!, Fulham ayaa ku fashilantay inay iska saarto kubad gees ka laad ahayd waxaana baas hoose soo dhiibay Sokratis iyadoo Auba uu ugu dambayn dhammaystiray, Goolkan ayaa ah midkii 14-aad ee weeraryahanka ree Gabon ka dhaliyo PL.

Ugu dambayn, Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay guul weyn oo 4-1 ah oo ay gaadhay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal, Guushan ayaa ah mid kor u qaadaysa hammiga Gunners ee afarta kaalmood ee sarre.