Real Madrid Oo Doonayso Paul Pogba

1829

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay mar kale u dhaqaaqdo suuqa kala iibsiga January iyaga oo diyaar u ah in ay miiska u saaraan xiddig iyo waliba lacag kaash ah.

Los Blancos ayaa si aad ah u doonaysa in ay Pogba u keento Zidane kaas oo ka dhigtay bartilmaameedka ugu weyn kadib markii ay kooxdu si adag ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay heshiiska ku darto mid ka mid ah xiddigeheeda ugu qiimaha badan iyo waliba lacag sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Wargayska Eldesmarque ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid diyaar u tahay xiddiga khadka dhexe ee Isco oo si toos ah ugu biiri doona Man United iyo waliba lacag dhan 68 milyan oo euro si ay u hesho Pogba.

Man United ayaa diiday in ay xagaagii iibiso Paul Pogba inkasta oo ay xiddiga iyo wakiilkiisuba isku dayeen in ay ka tagaan Old Trafford.

Isco ayaa dhankiisa ka baxay qorshaha tabaabre Zidane ee xilli ciyaareedkan isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda Real Madrid.