Jose Oo Mourinho Oo Si Dhab Ah U Doonaya saxiixa Laba Xiddig , United Ayuu Loolan La Galayaa

1586

Ilo wareeedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa qoraya in tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho uu ku war giliyay maamulka kooxda in ay dalab ka geeyaan laba xiddig oo ka ciyaara horyaalka Portugal .

Bogga 90 Min aya sheegaya in Jose uu bartilmaameedkiisa ugu horeeya uu yahay daafaca Benfica ee Rúben Dias iyo qadka dhexe Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes.

Bruno Fernandes ayaa dhanka kale aad loola xariiriyay xagaagii hore kooxda United oo aan weli ka quusan balse kooxdiisa ayaa dalabyaddii laga geeyay diiday .

Rúben Dias ayaa dhankiisa xagaagii hore lala xariiriyay Arsenal , Man City iyo United waxa uuna hishiiskiisa dhacaya 2024-ka xilli lagu bur burin karo kaliya 59 milyan oo gini.

Jose ayaa la xusayaa in maamulka Tottenham ku war giliyay in dalab rasmi ah laga geeyo labadaas laacib , waxaana loo marayaa wakiilkooda oo ay isku fiican yihiin tabbare Jose waana Jorge Mendes .

Mourinho ayaa maalmo ka hor loo dhiibay maamulka Tottenham ka dib markii shaqada laga joojiyay tababare Mauricio Pochettino