XASAASI: Lionel Messi Oo Kashifay Wakhtiga Uu Isaga Tagi Doono Barcelona & Xiddiga Uu U Sheegay Oo La Ogaaday

2045

Lionel Messi ayaa sameeyay wax walba oo uua woodo si uu Neymar ugu qanciyo in uu ku soo laabto suuqii xagaaga.

Xiddiga reer Argentine ayaa xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen u sheegay in uu ku soo laaban karo Camp Nou kaas oo kala wareegi doono masuuliyada xiddiga ugu muhiimsan marka uu ka tago kooxda.

“Waxa aan kaliya ku guulaysan karnaa champions League inaga oo wada jirna”ayuu wargayska France Football sheegay in uu Messi ku yidhi Neymar.

“Muddo 2 sano ah waan ka tagi doonaa kooxda waxana aad la wareegi doontaa booskayga”.

Messi ayaa si aad ah u doonayay in uu Neymar dib ugu soo laabto kooxda Barcelona si uu mar kale ula sameeyo weerar culus isaga iyo Luis Suarez.