Xiddig U Ciyaara Man United Oo Qirtay In Uu Iska Diiday Liverpool

1638

Xiddiga khadka dhexe ga ciyaara kooxda Man United ee Jesse Lingard ayaa shaaca ka qaaday in uu iska diiday in uu Ku biiro kooxda Liverpool markii uu da,yarka ahaa ka hor intii uuna ku biirin kooxda Man United.

Xiddiga Jesse Lingard oo 26 jir ayaa ka soo baxay Akademiyada kooxda Man United waxana loo diray Amaaho badan oo ay ka mid tahay Leicester City ka hor intii aan sanadkii 2012 loo soo dalicin kooxda 1-aad.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waxa la isiiyay dookh aan ku doorto kooxdayda cusub waxana aan doortay in aan ku biiro Man United aniga oo iska diiday Liverpool sababta oo ah United ayaa ahayd dookhayga 1-aad”.

“Kooxaha Liverpool, Man City & Everton ayaa doonayay saxiixaysa laakiin waxa aan ka doortay Man United”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Lingard ayaa haatan ka mid ah xiddigaha uu Ole Gunnar Solskjaer ku kalsoon yahay waliba ka mid ah xiddigaha uu ugu jecelyahay Man United.