Man United Oo Garaacday Crystal Palace +SAWIRRO

233

Man United ayaa garaacday kooxda Kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Red Devils ayaa ahayd kooxda fiican guud ahaan waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed isku dheeli tiran dhinac walba hadii ay tahay daafac ama weerarka.

Wiilasha Erik ten Hag ayaa ka fiicnaa kooxda Crystal Palace kuwaas oo ku dhibaatooday in ay iska caabiyaan kooxda ay martida u ahaayeen.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 7-aad heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Crystal Palace ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay sameeyeen fursado cajiib ah oo ay ku dhalin kareen goolal ciyaarta ku soo celiya.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ahayd kooxda fiican isla markaas ciyaarta kaga badeen qaybta hore iyaga oo hogaaminaya.

Qaybta dambe ayay Man United si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay doonayeen in ay ciyaarta ku dilaan.
Crystal Palace ayaa dhinaceeda raadinaysay goolka bar-baraha xilli ay samayeen fursado wax ku ool ah oo ay ku dhalin karaan bar-baraha.

Daqiiqadii 62-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Kooxda Man United ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 69-aad kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo kooxdiisa kaga baxay 10 xiddig.

Kooxda Crystal Palace ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jeffrey Schlupp kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay ciyaartu dib ugu furantay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul 2/1 ah ka gaadhay Crystal Palace kana badbaaday soo laabasho ay samayso Palace.

Dhinaca kale dhibaatadii Liverpool ee premier League ayaa sii socota iyada oo Wolves xasuuq ba’an kula kacday kooxda Jurgen Klopp dushana u saartay guuldaro 3/0 ah.