Everton Oo Cirka Ku Dubatay Arsena +SAWIRRO

220

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Everton kulan ka Tirsanaa premier League xilli ay Arsenal lumisay dhibco muhiim ah.

Kulanka ayaa ahaa mid ayna Arsenal soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay xilli ciyaareedkan kuna dhibaatootay kulanka.

Xiddigaha Arsenal ayaan wax saamayn ah ku yeelan dhinaca weerarka iyada oo xiddigaha Gunners ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca Everton.

Dhinaca kale Everton ayaa ahayd kooxda halista badan iyaga oo inta badan tijaabiyay Goolhayaha Arsenal isla markaas sameeyay fursado cajiib ah.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamataay qaybta hore ee ciyaarta oo ayna Arsenal ahayn kooxdii aan daawanay xilli ciyaareedkan.

Qaybta dambe ayay labada kooxoodba isku dayeen in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan xilli ay Arsenal maamulaysay ciyaarta.

Everton ayaa Arsenal u dhaaftay kubada laakiin goolkiisa ku difaacanaysay 11 xiddig isla markaas u diiday in ay xitaa u dhawaadaan goolkooda.

Mikel Arteta ayaa sameeyay khalad weyn kadib markii uu ciyaarta ka saaray xiddiga Thomas Partey kuna badalay xiddiga cusub ee Jorginho.

Everton oo isla markiiba koorne heshay ayaa daqiiqadii 60-aad hogaanka u qabatay ciyaarta waxana gool madax ah u dhaliyay xiddiga James Tarkowski kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixi intaas ka dambeeyay Everton ayaa difaac gashay iyaga oo Arsenal u daayay in ay weerar qaado waxana ay adeegsanayeen weeraro rogaal celis ah.

Arsenl ayaan ku qancin sidaas waxana ay goobo galisay Everton iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha xilli ay Everton dhinaceeda si waali ah u difaacanayso.

Waxa sidaas ku dhmaatay ciyaarta oo ay Arsenal la kulantay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.